Gudoomiyaha gobolka Nugaal oo ka warbixiyey ciidankii xarunta Baarlamaanka isku gadaamay.[Dhagayso]
February 26, 2017 - Written by EditorGaroowe:-Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo waraysi gaar ah siiyey Idaacadda Daljir ayaa waxaa uu ka hadlay ciidamo maanta gelinkii hore isku wareejiyey xarunta barlamaanka Puntland. Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faraweyne ayaa xusay in xaaladu ay tahay mid wanaagsan amaankuna uu yahay mid sugan ciidamadii gadoodka sameeyeyna ay dib ugu celiyeen fariisamo ay ku lahaayeen Laac-dheera berina ay kala hadli doonaan wax ka maqan oo xuquuqdooda ah.
Hoos ka Dhagayso Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne
[audio: http://radiodaljir.com/resources3/files/Faraweyne.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net