Madaxwaynaha maamulka Gobollada Dhexe Sh.Shaakir oo tegay Muqdisho
February 22, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa soo gaaray madaxwaynaha maamulka Gobollada Dhexe Sh.Maxamed Shaakir iyo wafdi la socda ka dib markii uu casumaad ka helay Madaxweynaha cusub ee JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Madaxweyne maamulka Gobolada Dhexe Sh Maxamed Shaakir oo war baahinta la hadlay marki uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde aya xusay in Muqdisho uu u yimid in uu ka qayb galo xaflada caleema saarka Madaxweynaha cusub ee JFS Maxamed C/laahi Farmaajo oo ay ka soo qayb gali doonaan dhamaan Madaxda maamul gobolleedyada ka jira Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net