Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo lagu caleemo saari doono 22-ka Bishan magaalada Muqdisho
February 14, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, ayaa shalay magacaabay guddi ka kooban sideed xubnood oo loo xil saaray qaban qaabada xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Xafladda caleemo saarka ayaa waxaa la fiayaa inay dhacdo 22-ka bishan Febraayo, sida ku cad qoraal ka soo baxay ra’iisul wasaare ku xigeenka.
Madaxweynaha jamhuuiyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/lahi Farmajao ayaa 8-dii Febraayo lagu doortay doorasho magaalada Muqdisho waxaa la filayaa in caleema saarka Madaxweynaha cusub ee JFS ay ka soo qayb geli doonaa Madaxweynahyaasha dowladda ku bahoobay ururka IGAD marka laga reebo dalka Ereteria.
Hoos ka eeg gudiga caleema saara oo uu magacaabay Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya. no images were found
A/cawaale
Halgan.net