Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Madaxweynaha cusub ee JFS Maxamed C/laahi Farmaajo.[Masawiro]
February 21, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha dowladda Federaala Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa xarunta Villa Soomaaliya maalintii shalay ku qaabilay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axme Maxamed Islaan Axmed Madoobe. Kulanka 2-da Masuul ayaa wxaaa uu ahaa is xog waraysi iy wada tashi ku aadan xaalada dalka Soomaaliya uu marayo iyo isbedelka cusub uu ku dhacay hogaanka sare ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda Federaala Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa waxaa uu mahad celiyey Madaxweynaha Jubbaland iyo wafdigiisa sidda gaarka ah ay ugu heelan yihiin ugana soo shaqeeyeen is bedelka cusub ee ka dhacay Soomaaliya.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axme Maxamed Islaan Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku yimid magaalada Muqdisho si uu ka qayb galo xaflada caleema saarka ee loo samaynayo Madaxweynaha dowladda Federaala Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
no images were found
Maalinta Beri ah ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya lagu caleema saari doonaa Madaxweynaha Cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo waxaan ka soo qayb geli doona Madaxweynayaasha maamul gobolleedyada iyo Madax ka tirsan IGAD.
A/cawaale
Halgan.net