Madaxweynaha Puntland oo ka Tacsiyeeyay geerida Jen Cadde soona dhaweeyey Madaxweynaha JFS Farmaajo.[Dhagayso]
February 8, 2017 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa caawa waraysi gaar ah uu siiyey Idaacadda SBC waxaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Gen. Cadde Muuse Hersi. Madaxweyne Gaas ayaa waxaa tacsi u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan shacabka Puntland iyo Ehelkii uu ka geeriyooday Madaxweyne Cadde Muuse oo uu ku tilmaamay in uu ahaa shaqsi Qaran ah waxaa uu Alle uga baryey in uu u naxariisto
Hoos ka akhri Tacsida Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali ka diray geerida Madaxweynihii hore ee PL Gen Cadde Muuse
no images were found
Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Gen. Cadde Muuse ayaa wsaxaa uu ku geeriyooday magaalada Abu Dubai, isagoona bilihii danbe ku noolaa. Dhinac kale Madaxweynaha dowladda Puntland Dr C/weli Maxamed Cali ayaa waxaa kale uu uu hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan madaxweynaha cusub
Hoos ka Dhagayso waraysiga Madaxweyne Gaas ay Idaacadda SBC la yeelatay
M_M_Deeq
Halgan.net