Madaxweyne cusub ee JFS oo si rasmi ah ula wareegay Xafiiska madaxtooyada Villa Soomaaliya.[Masawiro]
February 16, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa saaka si rasmi ah ula wareegay xafiiska madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaan ku wareejiyey Madaxweynihii hore ee JFS Xassan Sh. Maxamuud. Xaflada xil wareejinta ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta Villa Soomaaiya waxaan xaflad ka soo qayb galay golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale, madax weyne Farmaajo ayaa ilaa intii uu ku guulaystay Madaxweyaha JFS waxaa xarun ku meel gaar ah u ahayd Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh. Maxamuud ayaa ku wareejiyey Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya agab kale duwan waxaa uu ku wareejiyey xafiiska uu ku shaqayn jiray isagoona u rajeeyey in uu guul la taaban karo gaarsiiyo dalka Soomaaliya mudada 4 sanno ee uu xlka hayn doono.
no images were found
Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiy Madaxweynihii hore JFS Xassan Sh Maxamuud sidda wanaagsan ee uu xilka ugu wareejiyey.
Madaxweynaha cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa xaflada caleema sarkiisa waxaa ay ka dhci doontaa magaalada Muqdisho 22-ka bishan waxaa la filayaa in ay ka soo qayb gel doonaa Madaxweynayaasha dalalka ku bahoobay IGAD.
A/cawaale
Halgan.net