Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo u dhoofay dalka Itoobiya
May 3, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw ka duulay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda Dalka Itoobiya. Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha ayaa waxaa ay ka kooban yihiin Xildhibaano iyo wasiiro , Saraakiil ka tirsan xarunta Madaxtooyada waxaan wafdiga Madaxweynaha uu kulan la qaadan doonaa inta uu ku sugan yahay dalka Itoobiya Madaxda ugu saraysa dowladda Itoobiya.
Wafdiga Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa waxaa ay ku sugnaan doonaa dalka Itoobiya hal maalin waxaan ay dib ugu soo laabam doonaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Safarka Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku tegay dalka Itoobiya ayaa waxaa uu noqonayaa safarkii 6aad ee uu madaxweynuhu ku gaaro dibadda.
A/cawaale
Halgan.net