Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland oo 11 Eedaysane sii deysay (Masawiro)
May 7, 2017 - Written by EditorMaxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland gaar ahaan maxkamada 5 gobol Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu ayaa maanta Dib Xoriyadoodii ugu soo celisay 11 maxbuus oo ku Eedaysanaa in ay ka tirsan yihiin kooxda Alshabab oo dilal iyo qaraxyo ku leysa shacabka Soomaaliyeed ee Muslinka ah.
Eedeysanayaasha ayaa waxay ku xirnaayeen Saldhiga Bartamaha Ee Boosaaso mudo sadex bilood ah .
Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee shanta gobal ee Puntland Col Cabdi Fataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaqay in 11 Eedaysane ay wax danbi ah lahan wax cadeyna la keeni waayey Maxakamada ka dibna Xoriyadoodii la siiyey.
Col .Cabdi Fataax Xaaji Aadan Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee shanta gobal ee Puntland ayaa ka codsaday Xeer ilaalainta maxkamada iyo Haya,daha Danbi barista in ay soo gudbiyan Dacwadaha ay gacanta ku hayan inta aan la gaarin bisha barakeysan ee Ramadan.
no images were found
Qaar ka mid ah 11 Eedaysane ee dib Xoriyadoodii u helay ayaa mahad celiyey Maxakamd Ciidmada Qalabka sida Ee Puntland waxayna warbaahinta u sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay heleen xoriyadooda.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net