Maxkamadda qalabka sida ee Puntland oo xukun dil ah ku riday koox ka tirsan Al-Shabaab (Masawiro)
May 27, 2017 - Written by EditorMaxakmadda Ciidamada qalabka sida ee shanta Gobal ee Puntland ayaa xukuno kala duwan ku riday eedeeysanayaal ka tirsan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish waxaana xukuna lagu riday isgu jiraa dil Toogasho , Xabsi daa’in, iyo in qaar la siiyey xoriyadoodii.
Eedaysanayaasha maanta xukunka lagu riday 5 ka mid ah ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidanka amaanka ee magaalada Boosaaso iyaga diyaarinaya qaraxyo iyo dilal qorsheysan waxaana lagu qabtay walxaha qarxa waxayna ka hor qirteen maxakamada in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.
no images were found
Gudoomiyaha Maxakmada Ciidmada Qalabka sida Ee shanta Gobal Ee Puntland Cabdifatax Xaaji Aadan ayaa Xukunka Ku Riday edeysanayashan wuxuuna sheegay in ay racfaan ka qaadan karaan eedeeysanayaasha xukunka mudo 30 cisho ah.
Dhinaca kale Maxakmadda Ciidamada qalabka sida ee shanta Gobal ee Puntland ayaa dib ugu celisey Xoriyadoodii eedaysanayaal ka tirsanaa kooxda Daacish, kadib markii ay isku soo dhiiban Ciidamada Puntland.
A/Cawale
Halgan.net