Mu’assada Al-Minhaaj ee Gobolka Nugaal oo 190 Qoys Raashin ugu qaybisay magaalada Garoowe.[Masawiro]

May 30, 2017 - Written by Editor

Garoowe:-Mu’asasada Alminhaaj Farceeda Gobolka Nugaak Ayaa Maantay oo taariikhdu tahay 29/05/2017 waxay 190 qoys oo dan yar ah raashin ugu qaybisay magaalada Garoowe raashinkaan oo ka koobnaa /Bur/Bariis/Sonkor /Timir Iyo Waliba saliid. Waa Sanadkii 4aad oo sidaan oo kale Mu’asasada Al-Minhaaj Gobalka Nugaal gaarsiiso Raashin Boqolaal Qoys oo aan haysan waxay ku afuraan Mu’asasada ayaa Mashruucaan Balaaran ugu Magacadartay Taakulo (Kiilo Bixi Aan Isku Filaansho Gaarnee) waana Olole dadka wax haysta looga soo aruurinayo raashin ka dibna la gaar siinao dadka aan awoodin in ay helaan waxay ku afuraan .

Ugu horanba goobta ay ka dhacaysay Qabinta Raashinku waxaa warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeedshay Sheekh. Mukhtaar Axmed oo ah Gudoomiyaha Fulinta Al-minhaaj Nugaal waxaana Sheekhu u mahad celiyay Dhamaan dadkii deeqdaan ku deeqay iyo dadkii soo Aruurshay Waxaana uu raacshay In danta ay kaleedahay Mu’asasadu ay tahay in dadku Isku tashadaan oo Isqaataan .

no images were found

Waxaa isna dhankiisa soo dhaweeyay Mashruucaan balaaran Sheekh. Dalmar Guureeye waxaana uu Minhaaj ku booriyay in ay sii wadaan dadaalkooda ay ay bulshada ku garab taagan yihiin .
Ugu Danbayn waxaa xaflada soo xiray xoghayaha Dowlada Hoose ee Degmada Garowe waxaana uu xusay in Mu’asasadu Kaalinta ay kujirto marna la ilaawi karin waxaana uu balan qaaday in ay sidhow u lashaqaynayaan Mu’asasada Al-Minhaaj ayna ku faraxsan yihiin dadaalkaan balaaran.

Nuur Jaamac Aadan

Xafiiska Warbaahinta
Mu’asasada Al-Minhaaj

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online