Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeer ku tagey goobaha lagu qaadayo Imtixaanka Dugsiyada Sare.[Masawiro]

May 21, 2017 - Written by Editor

Muqdisho, May 20, 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kormeer ku tagey qaar kamid ah Dugsiyada ay ka socdaan Imtixaanka Shahaadiga ah oo guud ahaan maanta dalka oo dhan ka dhacaya. Iyadoo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada ee xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Cusmaan Daahir ayaa ugu horeyn tagey Iskoolka 15 May oo kamid ah goobaha lagu qaadayo Imtixaanka, wuxuuna boggaadiyey Ra’iisul Wasaaruhu sida habsamida ah ee u soconayo Imtixaanku. Iyadoo guud ahaan Imtixaankan ay geli doonaan 27,000 oo arday kuwaas oo ku kala sugan Gobollada dalka.

no images were found

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxa uu sheegay in bulsho waliba oo gaartay horumar dhalinyaradeedu horseed u yihiin, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la horumariyo Waxbarashada dalka, si looga gudbo dib-u-dhaca iyo bur-burka ragaadiyey dhalinta Soomaaliyeed.

DHAMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2017
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online