Safiirka Swedan iyo Agaasimaha HSJ oo ka wada hadlay aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliya
May 20, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Safiirka Soomaliya u fadhiya dalka Swedan Mikael Lindvall iyo Agaasimaha guud ee HSJ G/Sare Moxamed Adam Koofi ayaa kulan ku qaatay Magaalada Muqdisho. Safiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa waxa ay ka wada hadleen siddii loo xoojin lahaa xiriirka labada Dowladood iyo sidii dowlada Swedan u aqoosan laheyd Basaboorka Soomaliga si muwaadiniinta Soomaliyeed ay ugu tagaan Swedan.
Safiirka Swedan Mikael Lindvall ayaa aqbalay labada arimaha ay ka wada hadleen Agaasimaha guud HSJ waxana uu sheegay in uu la wadaagi doono madaxda ugu sareysa Swedan ayna ugu horeyn ka shaqeyn doonaan aqoonsiga basaboorka Soomaliga ah.
A/cawaale
Halgan.net