Shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo saaka ka furmay magaalada London.
May 11, 2017 - Written by EditorLondon:-Waxaa saaka ka Furmay magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska Shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya,waxaana shirkaan si wada jir ah u Guddoominaya Madaxweyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Theresa May.
Shirka ka furmay magaalada London ayaa waxaa kale oo ka qayb galay madaxda dowladda Gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan shirkaan looga hadli doona dhismaha ciidanka Soomaaliyeed oo bedela ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay wadamo fara badan oo daneeya arrimaha Soomaaliya oo iskugu jira wasiiro , safiiro iyo siyaasiyiin laga yaqaan aduunka.
Hoos ka Daawo Live shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo saaka ka furmay London
M_M_Deeq
Halgan.net