Wasaaradda Awqaafta JFS oo sheegtay beri ah ay tahay maalinta 1aad ee bisha Ramadaan.
May 26, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ee JFS ayaa shaacisay in maalinta beri ah ay tahay maalinta 1aad ee bisha Ramadaan. Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Sheekh Maxamed Kheyrow Aadan oo la hadlay caawa warbaahinta ayaa sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaan dhalashada bisha Ramadaan.
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Sheekh Maxamed Kheyrow Aadan ayaa sheegay in dalka oo dhan laga arkay bisha Ramadaan, isla markaana guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu ugu bishaareynayo in caawa ay tahay kowda bisha Ramadaan wuxuuna alle uga baryey shacabka Soomaaliyeed in uu khayrka waafajiyo .
A/Cawale
Halgan.net