Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Cadaado
January 15, 2018 - Written by EditorCadaado:-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug .
Wafdiga Madaxweynaha ayaa safar dhinaca dhulka ku tagay magaalada Cadaado isaga oo ka yimid magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey magaalada Cadaado dadweyne aad u fara badan oo waddooyinka taagnaa, iyaga oo lulaya calanka Soomaaliya iyo Caleemo qoyan .
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo gelibiyay Madaxtooyada Cadaado, halkaasoo ay kula kulmayaan Madaxda labada gole ee Maamulka Galmudug iyo qeybaha bulshada.
Ammaanka guud Degmada Cadaado ee xarunta KMG ee Maamulka Galmudug ayaa si aad ah loo adkeeyay, amaanka waxaana la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay u sii gudbaan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad Goboleedka Galmudug.
A/Cawale
Halgan.net