Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Maanta Dib ugu soo Laabtay Dalka (Masawiro)

January 28, 2018 - Written by Editor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada Davos ee dalka Switzerland uga qayb galay kulanka Fagaaraha Dhaqaalaha Aduunka ee (WEF2018).

Ra’iisul Wasaaraha oo ka warbxiyay kulamadii uu ka qayb galay ayaa sheegay in Shirka Fagaaraha Dhaqaalaha aduunka oo Soomaaliya markii koowaad lagu marti qaaday in ay ku soo bandhigtay sidii dalka looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay, waxuuna tilmaamay dhowr shir oo kala duwan in uu ku soo bandhigay tallaabooyinka dhiirrigelinta leh ee Soomaaliya qaaday ee dhanka horumarka iyo xaaladda guud ee dalka.

Sidoo kale Ra’isul Wasaaraha ayaa la kulmay hogaamiyayaal iyo ururo caalami ah, kuwaas oo daneenaya arrimaha Soomaaliya, isagoona ka codsaday in Soomaaliya lagu taageero hawlaha ay ugu jirto suggidda ammaanka, dib u soo noolaynta dhaqaalaha, iyo dhismaha haya’adaha dawladda.

“Soomaaliya waxaa markii koowaad lagu marti galiyay shirka Fagaaraha Dhaqaalaha Aduunka, waxayna noo ahayd fursad balaaran oo aan ku soo badhignay khayraadka dalkeena, danaheeda dhaqaale iyo sidii loo gacan siin lahaa dawladda Soomaaliya oo qaaday wadadii horumarka.

“Waxaan la kulmay madaxda Sanduuqa Lacagta Caalamka ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo aan kala hadlay sidii dalkeenna deymaha looga cafin lahaa, waxayna qirayn in Soomaaliya ay samaysay tallaabooyinkii loo baahnaa , kuna taaggan tahay jidkii deymaha looga cafin lahaa.” Ayuu yiri R/W khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay madaxdii uu la kulmay in uu la wadaagay halka uu marayo geeddi-socodka nabada ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalkeena iyo dalalka aan saaxibada nahay ee gacan qabtay shacabka iyo dawladda Soomaaliya.

—DHAMMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
January 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online