Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa Kormeeray qaar ka mid ah Xarumaha Dawladda Puntland.[Masawiro]

April 2, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taarikhdu tahay 2 April 2018 waxaa uu kormeer ku sameeyey qaar kamida xarumaha dawladda Puntland ee ku yaala caasimada Garoowe, xarumahaas oo ay ka mid ahaayeen xarunta Bangiga dhexe Puntland, xarunta Wasaaradda Maaliyadda gobolka Nugaal iyo wado laami ah oo laga hirgaliyey xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horeyn waxa uu kormeerkiisa
ka bilaabay wada laamiya oo dhex mareysa gudaha xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxaana uu madaxwenuhu halkaas kula kulmay qaar kamida Shaqaalihii iyo farsamayaqaanadii dhisaayey wadada, islamr ‘ahaantaana wuxuu Madaxwaynuhu ugu hambalyeyey shaqada wanaagsan ee ka wadaan xarunta madaxtooyada
ay ku mahad sanyihiin sida farshaxaka leh ee ay u wadaan dhismaha wadada madaxtooyada dhexdeeda ah.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale kormeer ku tagey xarunta Bangiga dhexe ee Puntland ee magaalada Garoowe, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen maamulka Bangiga dhexe
ee Puntland halkaasi oo uu kulan kula qaatey maamulka Bangiga dhexe ee Puntland iyadoona Madaxweynhu kula dardaarmay in ay shaqada ay dalka iyo dadkaba u hayaan dar-dar geliyaan.

Xilgii madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Abdiweli Maxamed Cali Gaas uu ku guda jiray kormeerka xarunta Bangiga dhexe ee Puntland ayaa waxaa uu mid-mid u galay xafiisyada kala duwan ee Bangiga Garoowe, halkaas
oo ay goob joog ahaayeen shaqaalaha, kuwaasi oo salaan guud iyo is xog waraysi kadib uu Madaxweynahu kula dardaarmay inay markasta xasuusnadaan inay hayaan shaqo Qaran oo muhiimad gaara u leh dawladda Puntland
iyo shacab keeda, islamar’ahaantana loo baahan yahay in ay iska saaraan masuuliyad gaara.

Dhinaca kale Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kormeer kiisa sii wata ayaa waxaa uu booqday xarunta Wasaaradda maaliyada ee gobolka Nugaal, halkaasi uu Madaxweynu kula kulmay maamulka xaruntaasi, iyadoona uu Madaxweynhu ka xog wareestay sida ay shaqdu u socoto, kadibna kula dar-daarmay shaqaalaha xafiisyadaasi inay bulshada si daacda ugu adeegaan.

Ugu danbeyn Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeerkiisa waxaa uu ku soo geba-gabeeyey xarunta guud ee Wasaaradda Maaliyada ee Dawladda Puntland, waxaana uu halkaasi madaxweynuhu kulamo gaar-gaara kula qaatey qaar kamida goloyaasha Dawladda Puntland.

DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online