Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddiga Hagaajinta Bilicda Iyo Soo Celinta Hantida Boosaaso

April 21, 2018 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 21 April 2018 waxaa uu wareegto klu magacaabay Guddiga Hagaajinta Bilicda Iyo Soo Celinta Hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland oo sumadiisu tahay MW/DPS/267/2018, Boosaaso.

ku: Dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee Gobolka Bari

Og: Guddoomiyaha Gobolka Barri

Og: Guddoomiyaha Degmadda Boosaaso

Og Taliyaha Qaybta Booliiska Bari

Ujeeddo: Magacaabid Guddiga Hagaajinta Bilicda iyo soo celinta hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso.

Waxaa wasaaradaha iyo Hay’adaha ay warqadaani sida tooska iyo ogeysiinta ugu socoto lagu wargalinayaa in la magacaabay guddiga hoos ku qoran, kaasoo ka shaqeyn doona hagaajinta bilicda iyo soo celinta hantida maguurtada ah ee Dowladda Puntland ku leedahay magaalada Boosaaso, taasoo ay si sharci dara ah ku degan yihiin dad shacab ah.

Gudigaas oo ah sida hoos ku qoran.

1: Cabdirashiid Maxamed Xirsi                     Wasiirka Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda- Guddoomiye

2: Siciid Maxamed Raage                              Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda- Xubin

3: Maxamed Faarax Beeldaaje                   Wasiirudowlaha Maaliyadda- Xubin

4: Cabdirsaaq Nuur Cumar                           Wasiir Kuxigeenka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda- Xubin

5: Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan            Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Degmada Boosaaso- Xubin

6:  Yuusuf Maxamed Wacays {Dhado}     Guddoomiyaha Gobolka Barri- Xubin

7: Gen Asad Cismaan Cabdulaahi              Agaasimaha Guud ee PSF- Xubin

8:  Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax      Taliyaha Ciidanka Bada- Xubin

9: G/sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen      Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Barri- Xubin

Sidaas Daraadeed Waxaa guddiga hagaajinta bilicda iyo soo celinta hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso la farayaa in ay sida ugu dhaqsha badan uga hawlgalaam waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online