Ra’iisul Wasaaraha JFS oo daah-furay Barnaamij lagu Tirakoobayo Shaqaalaha Rayidka ah.[Masawiro]

April 22, 2018 - Written by Editor

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Cali Kheyre, ayaa daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda, kaas oo looga dan leeyahay in la helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha. Waxaan ka soo qayb galay xubno ka socday gollaha Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha iyo shaqaalaha dawliga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in shaqaalaha Rayidka ah ay aasaas u yihiin nidaamka dawliga ah ee dalka, lagamana maarmaan ay tahay in la helo tirada saxda ah ee Shaqaalaha, si loo gaaro hadafyadda dawladdu uu hogaaminayo Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xukuumaduna ay fulinayso.

“ In la tirakooba shaqaalaha waxay inoo suurta galin in la helo tirada iyo tayada aan haysano inta ay la egtahay, in aan u diyaar garowno sidii loo dhisi lahaa tayada loo baahan yahay, in aan u diyaarino shaqaalaha rayidka ah sidii ay ula falgali lahaayeen aduunyadda iyo in aan nahay dawladd ka dhabaysay isla xisaabtanka”

“Mushaarka ay bixiso dawladdu waxaa laga soo qaadaa shacabka Soomaaliyeed oo ugu tala galay in ay ku caawiyaan dawladoodda. Marka waa in loogu qabataa adeegyada ay rabaan qof walbana uu mas’uuliyad iska saaraa shaqadiisa, si aannan ugu tuman xaquuqada shacabka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in howshan tirakoob ay ka mid tahay shaqada laga wado dalka, taas oo Madaxwaynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya uu haatan u jooga Wasaaradda Gaashaandhiga, sidii si loo heli lahaa tirada saxda ah ee ciidanka xooga dalka, ka dibna loo siin lahaa tobobarada ay u baahan yihiin.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac, ayaa cadeeyay in la tayeyn doono shaqaalaha rayidka ah, isaga oo sheegay in dib loo howl geli doono mac’hadkii SIDAM inta laga gaarayaana shaqaalaha dawladdu ay tababaro ku qaadan doonaan Jaamacadda umadda Soomaaliyeed, si looga maarmo tababaradii dibadda loogu qaadi jiray shaqaalaha.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2018
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online