Taliyaha Ciidanka Milatariga JFS waa qabanay Ciidamadii gudaha u galay xarunta Golaha Shacabka.[Video]
April 5, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Taliyaha Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya Sareeya Gaas C/wali Jamac Gorod oo la hadlay saxaafadda xalay ayaa waxaa uu sheegay in lagu guulaystay in gacanta lagu dhigay ciidamadii maanta la galay hubka xarunta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta ay lagu balansanaan in uu ka dhaco shir ay yeelan lahaayeen Xildhibaan Fedralak Soomaaliya oo u kala jaban 2 garab kalana taageersan Gudoonka Baarlamaanka iyo Xukuumada.
Taliyaha Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya Sareeya Gaas C/wali Jamac Gorod ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadan maanta hubka la galay xarunta baarlamanka ay ku xadgudbeen sharciga u yaal dalka ayna talaanbo ka qaadi doonaan cid walba oo falkaas ku lug lahayd.
Hoos ka Daawo Taliyaha Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya Sareeya Gaas C/wali Jamac Gorod
A/cawaale
Halgan.net