Madaxweynaha JFS oo si rasmi ah u furay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka DFS.

November 25, 2023 - Written by Editor

Muqdisho:-Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta si rasmi ah u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Munaasabad ka dhacday Xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo ku-xigeennada labada Guddoomiye.

Guddoomiyahaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo khudbad ka hadleysa waxqabkii kalfadhiyadii 1-aad, 2-aad iyo 3-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu kaga hadlay ammaanka guud ee dalka, dagaalka lagula jiro Kooxda Khawaariijta oo meel waanagsan maraya, isla-markaana ay ku nafwaayeen halyeeyo badan oo qaranka muhiim u ahaa, waxaana uu sheegay in ay ku dhaawacmeen Xildhibaan Cabdisaalan Libaan Dhabancad, iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybiid, iyadoona dagaalka inta uu socday Khawaariijta laga saaray degaano badan. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale faafahiyay safaradii uu ku tagay dalalka Mareykanka iyo Taliyaaniga, si loo sameeyo xiriir cusub oo horumar u ah hannasnka geedi socodka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dulmar kooban ku sameeyay shuruucdii la ansixiyay intii uu furnaa kalfadhiyadii la soo dhaafay, sidoo kale waxaa uu xusay in May 29-keedi uu Guddiga La-socodka Dib u Eegista Dastuurka ay soo gudbiyeen habraaca iyo waxka bedelka dib u eegsista Dastuurka. Sidoo kale Guddoomiyaha oo ahmiyada kowaad siinaya bulshada kala duwan ee ku nool dalka ayaa waxaa uu ka hadlay fataahada iyo daadadka ka dhashay roobkii weynaa ee ka da’ay degaano badan oo ka mid ah dalka gudihiisa, isagoona Golaha hortooda ka sheegay in dadkaas Soomaaliyeed loo gurmado waxna loo qabto.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gunnaanadka munnaasabada furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee Baarlaanka 11-aad ee BJFS khudbad ka jeediyay ayuu kaga hadalay arrimaha ammaanka, xasiloonida darada siyaasadeed ee dalka uu soo maray, isagoona ku horumaray dadaadkii ka dhashay roobabkii ka da’ay qeybo ka mid ah gobolada dalka, ayna ku barakacaan qoysas kala duwan ee Soomaaliyeed, waxaana uu ganacsatada iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha samafalka ku boorriyay inay garab siiyaan dadkaas. Madaxweynaha ayaa ammaanay ciidanka qalabka-sida oo naftooda u huray adkeynta iyo xoojinta amniga, sidoo kalena shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay in la la taakuleeyo lana tageero Ciidanka Qaranka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxaa uu dul istaagay arrimaha deyn cafinta, cunaqabateynta hubka, kororka miisaaniyadda sanadkan, tababarka macalimiinta Soomaaliyeed oo ka shaqeyn doona guud ahaan goobaha waxbarashada ee dalka, dardar gelinta caafimaadka, hagaajinta garsoorka iyo cadaalada dalka, ku biiritaanka Ururka Goboleedka Iskaashiga Bariga Afrika, waxaa uuna sheegay in Soomaaliya dadaal ugu jirto ka mid noqoshada Holaha Amaanka QM. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay wax ka bedelka iyo dib u eegista dastuurka.

——DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
November 2023
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online