Madaxweynaha dowladda Puntland  oo furay Shirka Jiheynta Xukuumadda.[Video]

May 18, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa furay Shirka Jiheynta Xukuumadda oo muddo saddex Cisho ah socon doona.

Shirka jiheynta Xukuumadda waxaa lagu soo bandhigaya qorshaha shaqo ee Xukuumadda horyaalla oo lagu jaangooyey Siyaasiyadda Madaxweynaha ee Difaac iyo Dimuqraadiyad, sida ay u wada shaqeynayaan hay’adaha Dowladda iyo horumarinta wadashaqeynta Beesha Caalamka.

Shirka waxaa ay ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeen Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Maxamuud Ciise, Golaha Joogtada ah Baarlamaanka, Golaha Garsoorka, Golaha Xukuumadda , Agaasimeyaasha Wasaaradaha, Hay’adaha Madaxa banaan iyo Khuburo Madaxa banaan iyo marti sharaf kale.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2024
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online