Madaxweynaha DPL iyo ku xigeenkiisa oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC).
May 28, 2024 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC).
Kulanka ayaa looga hadlay dardargelinta Dimuqraadiyadda iyo qabashada Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee Degmooyinka harsan, waxaa Kulanka ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.