Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Ergaygii QM ee Soomaaliya Catriona Laing

May 18, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay oo sagootiyay Ergaygii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing oo xafiiska banaynaysa.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise , Xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda iyo Xubnaha Ururada Bulshada Puntland.

Ambs Catriona Laing ayaa lagu maamusay bilad sharaf iyo Hadyado dhaqan oo uu Guddoonsiiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, isagoo uga mahadceliyay kaalintii muhiimka aheyd ee ay ka qaadatay hanaanka geedi socodka Dowlad dhiska Soomaaliya.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
May 2024
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online