Madaxweynaha Puntland oo soo xiray Shirka Jiheynta Xukuumadda Puntland.

May 22, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa soo xiray Shirka Jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland oo Shan maalmood socday.

Munaasabadda oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada ayna ka qeybgaleen Goleyaasha Dowladda Puntland, Hantidhowrka, Hay’adaha Madaxa banaan iyo Shaqaalaha Guud ee Dowladda, ayaa lagu soo bandhigay wixii looga hadlay Shirka jiheynta Xukuumadda Dowladda Puntland iyo qodobada muhimka ah ee lagu horumarinayo adeega Dowladnimo ee Bulshada loo hayo.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey shaqadii wanaagesaneyd ee lasoo qabtay 5-tii sano ee hore, wuxuuna ku booriyey shaqaalaha Dowladda in lasii dardargeliyo shaqada loo hayo dadweynaha, Iyadoo la raacayo xogta iyo jiheynta loo soo bandhigay ee kasoo baxay Shirkii socday muddada 5-maalin aheyd .

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
May 2024
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online