Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee shir madaxeedka Jaamacadda Carabta.[Video]

May 16, 2024 - Written by Editor

Manaama:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay Meertada 33-aad ee shirka Jaamacadda Carabta ayaa ka hadlay caqabadaha iyo duurafaha ku xeeran dalalka Carabta iyo muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey mowqifka taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shacab iyo dowlad-ba ay ka taagan yihiin qadiyadda Falastiin, waxa uuna sheegay murugada ay nagu hayso xasuuqa iyo barakicinta lagu hayo, isaga oo ku baaqay in deg-deg loo joojiyo, lana fuliyo go’aammada Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la wadaagay, Madaxda Boqorrada, Madaxweyneyaasha iyo Amiirrada Carbeed xaaladda dalkeenna, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, dib-u-habaynta laamaha amniga, xasilinta dalka iyo faro-gelinta ka dhanka ah madaxbannaanida qarannimada Soomaaliya ee ay ku kacday Xukuumadda Addis-ababa.

“Itoobiya wali kama waantoobin damaceedeen gurrucnaa iyo faro-gelinteedii ka dhan ahayd arrimaha Gudaha Soomaaliyeed, iyaga oo isku dayeya in ay jid u bixiyaan heshiiska sharci darrada ah ee dhibaato ku ah amniga dalalka Carabta, midka heer gobol iyo marinnada muhiimka ah ee Badda Cas iyo Baabul Mandab”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka warbixiyey fursadaha maalgashi iyo kheyraadka ceegaaga dhulkeenna ee u baahan in la soo saaro ama si wanaagsan looga faa’iideysto, ayaa Hoggamiyeyaasha dalalka Jaamacadda Carabta ugu baaqay in ay taageeraan dowladnimada Soomaaliya, dhiirrigeliyaanna maalgashigeeda.

——-DHAMMAAD——-

Leave a comment

*

Archives
May 2024
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online