Madaxweynaha Deni oo goobjoog ka noqday saxiixa heshiiska Mashaariicda Dhismaha, Wadada isku xirta Gobollada Puntland

September 3, 2024 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta goobjoog ka noqday saxiixa heshiiska Mashaariicda Dhismaha, Dayactirka iyo horumarinta Wadada isku xirta Gobollada Puntland, oo ay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland la saxiixatay Shirkada dhismaha ee Albaashid iyo Guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyay mashaariicda dhismaha iyo dayactirka Wadooyinka Puntland, wuxuuna xusay in dhowaan la billaabi doono dhismaha Wadada Xarfo -Gaalkacyo oo qorshaheedu meel geba geba ah marayo.

Mashaariicda dhismaha Waddooyinka Puntland oo ah cashuurtii oo dalka dib-loogu dhisayo, ayaa 18 July 2024 waxaa ansixiyey Guddiga Sarre ee Hay’adda Waddooyinka Puntland, waxaana maanta la billaabay howlgelintooda, iyadoo lasaxiixay heshiisyada shirkadaha dhisaya Waddooyinka oo kala ah :-

1. Heshiiska Shirkadda dhismaha ee ALBAASHID:

– Dib-u-dhiska Buundooyinka deegaanka Xaaji Kheyr.

– Dayactirka wadada 22-aad illaa Barda dawaco

2. Heshiiska Guddiga Dhismaha Ceeldaahir-Ceergaabo.

– Dib-u-dhiska Buundooyinka deegaanka Laasa Dawaco- Boosaaso

3. Shirkadda dhismaha KEBARCO, oo dhameystiraysa dhismaha wadada isku xirta Rabaable- Kalabayr.

Ugu danbeyn, Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa korjoogteynaysa Mashaariicda dhismaha Wadooyinka Puntland, sidoo kalena joogtaynaysa dayactirka Wadada isku xirta Gobolada Puntland.

-DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
September 2024
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online