Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo lagu soo dhaweeyey magaalada Brussels

September 1, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo wefti uu hogaaminayo oo safar shaqo kusoo gaadhay Qaarada Yurub ayaa lagu soo dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

Madaxweyne Ku-xiyeenka Dowladda Puntland waxa halkaas kusoo dhoweeyey Xildhibaan Cabdiqaadir, Wakiilka Puntland ee Midowga Yurub, Guddoomiyaha Jaaliyada iyo qaybaha kala duwan ee Jaaliyada Belgium.

“Waxaan Jaaliyadda Europe gaar ahaan reer Belgium uga mahadcelinaynaa sida wanaagsan ee ay noo soo dhoweeyeen, Insha’allaah waa kulmeynaa intaan idinla joogno waana is xogwareysanaynaa” ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa safarka ku weheliyey Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Puntland iyo Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta Dowladda Puntland.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Comments are closed.

Archives
September 2024
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online