Madaxweynaha Puntland oo magacaabay guddiga taakuleynta ciidamada Difaaca Puntland

December 31, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Ku: Wasaaradda Amnniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland

Ku: Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland

Og: Guddoomiyeyaasha Goboladda Puntland.

Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Waxaa xubanaha Wasiiradda ah iyo Guddomiyayaasha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin loo magacaabay Guddiga Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada ee hawlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah: –

1. Wasiir Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel)

2. Wasiir Cabdullaahi Bille Nuur

3. Wasiir Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle

4. Wasiir Yuusuf Maxamed Wacays(Dheddo)

5. La-taliye Axmed Cabdi Hurre

6. Guddomiye Cabdirisaaq Cali Siciid

7. Guddomiye Cabdifaataax Xaaji Shanle

Guddigaan waxay ka shaqaydoonaan Taakulaynta iyo Daryeelka Dhaawacyada Howlgalka Buuraha Golis.

Haddaba, waxaa la farayaa xafiisyadda ay warqadani ku socoto in ay guddigaan ku gacansiiyaan wixii fududayn ah ee gudashada waajibaadka loo igmaday

Leave a comment

*

Archives
December 2024
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online