Ciidamada Difaaca Puntland oo gacanta ku dhigay 2000 oo gantaal oo Daacish ka carartay
February 27, 2025 - Written by EditorBoosaaso:-Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland ayaa gacanta ku dhigay 2000 oo gantaal oo argagixisada Daacish ay sameysteen, kuwaas oo ay doonayeen in ay waxyeello ugu geysteen shacabka Puntland ee nabadda iyo horumarka jecel.
Gantaalada ayaa argagixisadu ku diyaarinaysay xarunta ku taalla agagaarka deegaanka Dhasaan oo argagixisadu ku lahayd saldhig weyn, ayna maalin kahor la wareegeen ciidamada Difaaca Dowladda Puntland.
Sidoo kale, Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay qeyb kamid ah warshaddiihii ay ku sameeyeen gantaaladan.
Xigasho Tv Puntland