Ciidamada Difaaca Puntland oo la wareegay deegaannada Daray-Madoobe iyo Curaar
February 23, 2025 - Written by EditorBoosaaso:-Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah ula wareegay deegaannada Daray-Madoobe, Curaar iyo buuraha afarta koone ee dhaca deegaanka Gaatir Oodan ee buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari.
Deegaannada ciidamada Difaaca Puntland ay qabsadeen ayaa ahaa Talisyo iyo difaac muhiim ah oo argagixisadu isku diyaarinayeen sannado badan. Waxaana ciidamadu ugu tageen gaadiid iyo Mootooyin ay argagixisadu ku diyaarisay qaraxyo, balse lagu burburiyay Duqeymo culus oo ay fuliyeen saaxiibada Dowladda Puntland ee Imaaraatka Carabta iyo Mareykanka.
Sidoo kale, deegaanada ayaa laga helay meydad iyo xabaalo-wadareedyo ay kooxda Daacish ku aastay xubno muhiim u ahaa oo uga dhintay duqeymaha.
Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland oo hadda ku jira wajigiisii labaad ayaa maraya meel wanaagsan, ciidamada ayaa guulo waa weyn gaaray, waxaana cagta ay mariyeen fariisimo adag oo ay lahaayeen argagixisada Daacish, iyagoo hadda ku sii siqaya deegaano horleh.
Tv Puntland
Halgan.net