Ciidamada Difaaca Puntland oo qabsatay Saldhigii ugu weyna ee Maafiyada Daacish

February 5, 2025 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidamada difaaca Puntland oo maalintii labaad waday hawlgal lagu burburinayo saldhigyada Argagixisada Mujrimiinta Daacish ayaa waxaa ay maanta la wareegeen togga Jeceel ee buuraha Cal-miskaad oo shalay iyo maanta ka dhacay dagaal culus kaas oo lagu naafeeyey kooxda diinta ka beensheegta ee Daacish.

Taliska Sare ee Ciidamada Puntland ayaa waxaa ay maanta warbaahinta u soo bandhigeen warbixin iyo masawiro rag ka tirsan kooxda Daacish oo ay ciidamdu ku dileen hawlgaladii shalay iyo maanta waxay shegeen in ay gaarayaan 57 xubnood oo ajaanib u badan .

“Ciidamada Difaaca Puntland oo muddo laba cisho oo xiriir ah ka fulinaaya dagaallo ka dhan ah Argagixisada Daacish deegaannada Dharin iyo Qurac ee togga Jaceel ayaa xalay Illaa maanta markale ka laayey sharwadayaal hor leh, kuwaasi oo tirada guud ka dhigaysa in ka badan 57 qof.”

Warbixinta iyo Masawirada Daacish ay laayeen ciidamada Difaaca Puntland waxaa lagu faafiyey bogga Hawlgalka gaarka ah ee Ciribtirka Argagixisada .

Ciidamada Puntland iyo shacabka oo isku duuban ayaa dagaal xaq ah kula jira Mujrimiinta Daacish kuwaas ku soo qaldamay deegaanada Puntland oon marna laga ogaleyn Afkaarta Guracan ay wadaan Mujrimiinta Daacish iyo Maafiyada Al Shabaab.

M_M Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
February 2025
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online