Puntland oo guulo horleh ka gaartay dagaalka ay kula jirto Maafiyada Daacish.

February 11, 2025 - Written by Editor

Boosaaso:-Ciidamada Puntland ayaa si guul leh u jebiyay kooxaha argagixisada Daacish, iyagoo gaadhay rugo cusub oo ay horey ugu dhuumaaleysanayeen argagixisadu. Khasaaraha maanta ka gaaray argagixisada ayaa ka weyn kii horey uga dhacay, waxaana muuqata in difaacyada adag ee ay Togga Jeceel ka sameysteen si xooggan looga saaray. Isku-dayadii argagixisada ee aroornimadii hore ayaa gebi ahaanba fashilmay, waxaana lagu guuleystay in laga hortago dhammaan weerarradii ay qorsheeyeen.

Xaaladda argagixisada ayaa sii xumaaday, iyadoo xalay ay isku dayeen inay adeegsadaan diyaarado, baabuur miineysan iyo dad is qarxinaya si ay uga hor istaagaan howlgalka ciidamada Puntland. Si kastaba ha ahaatee, isku-dayooyinkaas ayaa noqday kuwo aan wax faa’iido ah u lahayn, waxaana burburiyey goobihii ay argagixisadu kasoo qaadeen weerarada.

Xogaha la helay ayaa xaqiijiyay in argagixisada muddooyinkii u dambeeyay ay soo qaadeen maleeshiyaadkii ilaalinayay horjoogayaashooda, kuwaas oo laga keenay deegaanada Dhaadaar iyo Dhasaan. Dagaalkii maanta ayaa xaqiijiyay in meydkooda laga helay, iyadoo ku daadsan yihiin geedaha, buuraha iyo dhulalka howdka ah.

Howlgalka Ciribtirka ee ay ciidamadu wadaan ayaa muujiyay guulo waaweyn, waxaana muuqata in argagixisada lagu suuliyay deegaanno badan. Ciidamada Puntland ayaa sii wadi doona hawlgalladooda si ay uga saaraan kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya deegaanka, iyadoo la xaqiijinayo in aysan jirin meel ay ka dhuumaaleysan karaan.

Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland wuxuu ku adkeysanayaa in dagaalka ka dhanka ah argagixisada uu sii socon doono, iyadoo la xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka, islamarkaana aan la oggolaan doonin wax carqalad ah oo ku yimaada horumarka Puntland.

– DHAMMAAD –

Leave a comment

Archives
February 2025
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online