Saraakiil Sare oo booqatay furi aha hore uu Calmiskaad
February 15, 2025 - Written by EditorCalmiskaad: Saraakiil sare oo xagga amniga ah, khibradna u leh arrimaha ciidanka, oo ay ka mid yihiin Gen. Morgan, Gen. Indho Yare, Xildhibaan Gen. Bashiir Ameerico, Gen. Omar, iyo saraakiil kale, ayaa booqday jiida hore ee ciidanka dowladda Puntland ay ka wadaan hawlgalka ciribtirka argagixisada Daacish ee deegaanka TogaJeceel ee buuraleyda Calmiskaad.
Saraakiisha iyo khubarada amniga ayaa kulan la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa hawlgalka, iyagoo la wadaagay khibradooda, siiyay tallooyin iyo warbixinno amni oo ku saabsan hawlgalka socda.
-DHAMMAAD-