Wararkii ugu danbeeyey howlgalada ciidamada Puntland ay ka wadaan Calmiskaad.

March 3, 2025 - Written by Editor

Boosaaso:-Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish oo ku guda jira wajiga 3aad ayaa ka soconaya buuraleyda Cal-miskaad iyo deegaannada dhaca Uur-caleed, iyadoo ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland ku daba jiraan firxadka argagixisada.

Ciidamada ayaa maalmihii lasoo dhaafay sifeeyay argagixisada Daacish deegaannada Darayle, Gambara, Dhaban-Qooxle iyo Dul oo dhaca inta u dhacaysa deegaannada Tasjiic iyo Xabley ee Uur-caleed. Waxaana ay ku dileen xubno kamid ah argagixisada, kuwaas oo ahaa ajaanib.

Sidoo kale, ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa ku qabtay dooxadda teedsan Uur-caleed saddex xubnood oo Ajaanib ah, kuwaas oo laga helay astaamo muujinaya in ay yihiin firxadka argagixisada, waxaana hadda ku socda baaritaano dheeri ah, sida uu shaaciyay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.

“Ciidanku waxay qabteen Saddex Ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, Dooxada teedsan Uur-caleed ee u rogan xaga laamiga, waxaa soo gudbiyey dadka deegaanka. Baaritaan ayaa ku socda, waxaa laga helay Rasaas jeebabkooda iyo astaamo kale”.

https://t.me/radiopuntland

—-Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
March 2025
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online