Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya oo ku wajahan magaalada Qardho
January 10, 2018 - Written by EditorQardho:-Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Dowlad Puntland Dr.Cabdi weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa la filayaa saaka in ay safar shaqo ku gaaraan magaalada Qardhoee xarunta Gobolka Karkaar.
Wafdiga Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa aad loogu diyaar garoobay magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar waxaan shacabka iyo masuuliyiinta Gobolka Karkaar ay wadeen maalmihii u danbeeyey diyaar garow balaadhan oo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdiga la socda.
Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo aya waxaa uu ku si hakan doonaa magaaloyinka u dhexeya Garoowe iyo Qardho waxaan uu la kulmi doonaa shacabka iyo masuuliyinta Puntland.
Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa sidoo kale u si rasmi ah u dhagax dhigi doonaa waddo laami ah oo isku xiri doonta Dangoronyo iyo degmada Eyl ee Gobalka Nugaal.
Dhinac kale Madaxweynaha jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa magaalada Qardho uga gudbi doona magaalada Boosaaso exarunta ganacsiga Puntland waxaan uu ku hakan doonaa magaalooyinka u dhexeeya Qardho iyo Boosaaso oo si wanaagsan loogu diyaar garoobay
A/Cawaale
Halgan.net