Madaxweynaha JFS iyo Wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Degmada Guriceel.[Masawiro]
January 19, 2018 - Written by EditorGuriceel:-Wafdi uu horkacayo Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey gaaray Degmada Guraceel ee gobolka Galgaduud.
Wafdiga Madaxweynaha JFS ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyey mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka, kan Degmada Guriceel waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Amaanka Degmada Guriceel ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana wafdiga madaxweynaha JFS socdaalkiisa ku weheliyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaafd iyo Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Axmed Shaakir, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweynaha JFS ayaa Waxaa la filayaa in halkaasi uu kula kulmo kula qaato qaar ka mid ah madaxda Galmudug iyo qeybaha bulshada.
no images were found
Madaxweynaha DFS ayaa socdaal dhulka ah ku soo maray deegaanada Puntland waxaana uu hada socdaal ku marayaa deegaanada Galmudug.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net