Joojin Ajaanibta sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada Puntland.

February 19, 2025 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne kusoo saaray in la joojiyey Ajaaniibta Sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada Puntland, waxaana la faray dhammaan Hay’adaha Dowladda ee ay khuseyso in ay ka hawlgalaan.

Ku: Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland.
Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland
Ku: Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dowladda Puntland
Ku: Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland
Og: Hay’adda Socdaalka
Ujeeddo: Joojin Ajaanibta Degaanada Puntland soo gelaysa
Waxaa dhammaan Hay’addaha ay warqadani ku socota lagu wargelinaya in la joojiyey laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/2/2025, Ajaanibta aan haysan Sharciga Dal ku galka in aysan soo geli Karin gudaha Degaanada Puntland.
Haddaba, waxaa la idin farayaa in aad ka gudataan waajibaadka idinkaga aadan.
Fiiro gaar ah:- Waxaa lagu soo saari doonaa Xeer gaar ah oo lagu Maamuli doono Nidaamka Dal ku galka Ajaanibta soo gelaysa Degaanadda Puntland.
Fulin wacan.
Siciid Cabdullaahi Deni
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
-DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Leave a comment

Archives
February 2025
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
2425262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online