Hawlgal lagu Cirib-tirayo Argagixisada Puntland oo lagu dilay maanta 44 Daacish ah.
February 20, 2025 - Written by EditorBoosaaso:– Puntland ayaa Warsaxaafadeed ka soo saartay hawlgalkii maanta ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari kuwaas oo jabweyn lagu gaarsiiyey kooxda Mujrimiinta Daacish kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya Buuraleyda Calmiskaad .
Warsaxaafadeed ka soo baxay hogaanka Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland ayaa lagu yiri “Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ee (Hillaac), waxaa uu maanta oo ay taariikhdu aheyd 20 February 2025, uu weerar cir iyo dhul ah ku dilay 44 ka mid ah Argagixisada Daacish ee ku dhuumalaysanaysay deegaannada teedsan Togga- jeceel ee buuralayda Cal-Miskaad”
Hoos Ka Akhriso Warsaxaafadeed ka soo baxay hogaanka Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland.

M_M Deeq
Halgan.net