Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Michael Nithavrianakis.
February 22, 2025 - Written by EditorBoosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Ambassador Michael Nithavrianakis.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah golaha xukuumada, waxaa looga hadlay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo UK ay ku boggaadisay Dowladda Puntland, xoojinta Iskaashiga UK iyo Puntland, Mashaariicda horumarin Uk ka fuliso Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya.
——-Dhamaad—–