Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed oo kulan la qaatay Guddiga dib u heshiisiinta
May 9, 2011 - Written byMuqdisho:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta waxaa uu kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka waxaana uu ka dhageystay warbixino kala duwan. Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa waxaa uu ka dhageystay Guddiga dib u heshiisiinta warbixino kala duwan oo ay ka mid yihiin xaalada dalku marayo dhinaca Amniga,arimaha bulshada iyo siyaasada.
Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed ayaa intaas ka dib waxaa uu la dardaarmay Guddiga dib u heshiisiinta wuxuuna ugu baaqay in howshooda ay sii kordhiyaan si dalka looga saaro xaalada uu ku jiro.
Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka soo qeyb galay xaflad lagu caleemo saaray Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Cumar Geele oo markii sadexaad noqday Madaxweyna dalka Jabuuti.
A/Cawale
Halgan.net