Wax ciidan ah looma dirin Baargaal iyo Caluula Wasiirka amniga Puntland

May 9, 2011 - Written by

Garoowe:-Wasiirka amniga dowllada Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyre oo maanta la hadlay saxaafada ka howlgasha Puntlland ayaa beeniyey in ciidanka Daraawiishata Puntlland ay weerar ku yihiin degaano ku yaal bariga fog sida degaanka Baargaal iyo Caluul. Wasiirka amniga Puntland Gen.Yuusuf Axmed Kheyre ayaa sheegay in wararkaas ay shaaciyey dad dano gaar leh oo doonaya in ay colaad ka dhex abuuraan beelaha ku bahoobay Maamulka Puntlland Wasiirka amniga Puntland Gen.Yuusuf Axmed ayaa ku cel celiyey in aysan jirin sabab ay maamulka Puntlland ugu duulaan dhul ka tirsan maamulkooda waxaan uu sheegay in masuuliyiintii maamulka degaanka Baargaal iyo Caluula ay ku sugan yihiin.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo ka tirsan Puntlland aan ilaa hadda loo dirin degaanadaas balse maamulka iyo masuukliyiinta degaankaas ee ka tirsan Puntlland ay ku sugan yihiin degaanadaasna ay yihiin dhul nabdoon sabab colaad looga abuuran aysan jirin.

Wararka sheegay in Ciidanka Puntlland ah loo diray degaano ku yaal Bariga fog ayaa soo baxayey maalmahaan iyadoo arrinkaas ay keentay ka dib markii saxaafada qaar ay waraystay nin ka ahaan jiray wasiir maamulkii hore ee Puntlland oo lagu magacaabo Dooxo joog ninkaas oo sheegtay in uu sameeyey maamul ka madaxbanaan maamulka Puntlland lana yiraahdo Raascasayr Land.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2011
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online