Gabdhaha reer Damaam oo Kutub deeq ah gaarsiiyey Machadka Saylac ee Boorama.[Daawo]

January 3, 2014 - Written by Editor

10Boorama:-Qaar ka mid ah haween muxsiniin Soomaaliya ayaa deeq Kitaab culuumta diinta islaamka ah soo gaadh siiyay Maktabadda Machadka Saylac ee Magaalada Boorama waxaana deeqdaas ka gudoomay ,gudoomiyaha maamulka Machadka Saylac iyo qaar ka mid ah culumada Reer Awdal.

Munaasabadaan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay maamulaha guud ee Maktabada Iyo Machadka Saylac Sh.Xassan Kheyre Dirir waxa uuna ka warbixiyay deeqdan Kitaabta ah iyo halka ay ka timid isaga oo sheegay in ay deeqdaan kitaabta ah ee culuumta diiniga islaamka ay soo gaadhsiiyeen gabdho muxsiniin Soomaaliya oo degan magaalada Damaam ee dalka Sacuudi Arabiya.

Sheekha ayaa sidoo kale gabdhahaas alle uga baryay in Kitaabtaas ay la soo baxeen alle in miisaanka xasanaadka ugu daro waxa kale oo uu umada Soomaalida iyo islaamka ugu baaqay in ay ku daydaan haweenkaas kuna soo deeqaan Kitaab laga faa’iidaysto oo u noqoto sadaqa jaariya.

Sidoo kale waxaa iyagna hadalo mahadnaq ah u soo jeediyay haweenka Soomaaliyeed ee reer Damaam Sh.Xassan Daheeye Axmed, Sheekh Maxamed Yuusuf , Sheekh Maxamed Daahir Dhawal iyo Sheekh Maxamed Xaaji Abiibakar waxa ayna dhamaantood alle gabdha haas uga baryeen in kutubtaas ay soo direen in alle ajar iyo sadaqa joogta ah uga yeelo miisaanka xasanaadkana maalinta qiyaamaha alle ugu daro.

no images were found

Deeqdan kutubta ah ayaa wax weyn ka tari doonta Maktabadaan Saylac oo ay ardayda wax ka barata Machadka barashada Culuumta Diinta islaamka iyo luqada Carabiga ee Saylac ay meel u noqdaan oo ay baadhis cilmiyeed ka sameeyaan waxaana ay hablahani mudan yihiin ku dayasho wacan.

Hoos ka Daawo Hablo Muxsiniin ah oo deeq Kutub ah guddoonsiiyey Maktabada Saylah ee Boorame

Ururka badbaadada dhalinyarada
<badbaado04@hotmail.com>

Leave a comment

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online