Musharax Maxamed Cabdinuur oo u ka hadlay doorashadii Guddoonka cusub ee Baarlamaanka
January 5, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo u Tartamaya Doorashada Madaxtinimada Puntland ayaa ku Tilmaamay Doorashadii Lagu doortay Guddoomiyaha Cusub Barlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire iyo Labadiisa K/xigeen Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan Ciise iyo Xaaji Xuseen Yaasiin mid si cadaaladda ah oo xalaal ah ku dhacday, Waxaana soo dhaweeyay, islamarkaanka u hambalyayay Guddoonka cusub ee Barlamaanka.
Musharax Maxamed Cabdinuur wuxuu sheegay in Doorashadii Guddoonka Barlamaanku ay u dhacday sidii ay doonayeen oo ahayd in ay dalka ka dhacdo Doorasho Nabad ah, Cadaalad ah, islamarkaana si saxa u dhacda. “ Doorashadii Lagu Doortay Guddoonka Cusub ee Barlamaanka waxay tilmaan iyo Tusaale ka bixinaysa isbedelkii aanu doonaynay in Puntland ka dhacdo, oo ahayd sida Dadka reer Puntland intooda badani ay jeclaayeen, Waana soo dhawaynaynaa” ayuu yiri, Wuxuuna Sii raaciyay
“ Guddoonka Cusub waa u hambalyaynayaa, Doorasho Cadaalad ah oo sax ah ayuu ku soo baxay, Waana nin khibrad leh oo muddo badan soo shaqaynayay, waa nin aanu isnaqaano Guddoomiyaha Cusub , oo aan aqoon isku leenahay,Waana soo dhawaynayaa” ayuu yiri
Musharax Maxamed Cabdinuur xirsi Waxaa kaloo uu Hambalyayay Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Puntland C/rashiid Maxamed Xiddig, Waxaana uu ku tilmaamay shaqso Horumar muuqda oo la taaban kara ka qabtay Barlamaanka intii uu joogay
“ Guddoomiyihii horena wuxuu ahaa shaqsi aad iyo aad u wanaagsan,shaqo badan soo qabtay, horumarin badana ka soo sameeyay intii uu hayay Barlamaanka, Waana garan kartaa Hoolka Barlamaanka ee Maanta lagu doortay Hoggaanka cusub sidii uu ahaa 5 sanno ka hor” ayuu sii raaciyay
Musharax Maxamed Cabdinuur Xirsi oo Safka hore kaga jira Musharixiinta u tartamaya Doorashadda Madaxtinimada Puntland ee 8 January 2014, Waxaa uu Aaminsan yahay Ku dhaqanka in Heyadaha dowlada ee Xeer dejinta, Fulinta iyo Garsoorka loo madaxbaneeyo gudashada waajibaadkooda dastuuriga ayna noqdaan kuwo huwan heybada iyo maamuuska qaran ee ay leeyihiin.
XAFIISKA WARFAAFINTA
EE MUSHARAX MAXAMED CABDINUUR
Garowe.Somalia