Imtixaankii Jaamacada Bariga Afika ee magaalada Buuhoodle oo bilawday(Masawiro+Video)

January 7, 2014 - Written by Editor

DSC_5369-150x150Buuhoodle:-Waxaa Saaka Si Rasmi ah u Bilaamay Imtixaanki Simistarka ahaa ee Jamacada Bariga Afrika Faraceed magaalada Buuhoodle Imtixankaasi ayaa Waxaa u Fadhiistay 3 Kulyadoo oo ka ah kuliayada Shareecada Islaamka oo ahayd Kuliyadii lagu furay Jaamacada kuliyada Compoter Sayniska iyo Kuliyada PPA ..

Sidoo kale Imtixanka Simistarka ayaa Waxaa u Fadhiisatay Arday Gaaraysa 110 Arday oo isgu jira wiilal iyo Gabdho.

Ugu Horay Waxaa Ka Warbixiyey Sida Habsamida leh ee uu u socdo imtixanka Simistarku xubin ka mid ah Maamlka Imtixanka Jaamacad Bariga Afrika Faraceed Magaalada Buuhodle (Xamda Cabdirisak Xasan).

Sidoo kale waxa isna Imtixaankaasi ka Warbixiyey Maamulaha Jaamacada Bariga Africa Faraceeda Magaalada Buuhoodle sh/ Cabdi Shaafi Axmed Cali Sida uu u socdo imtixanku isga oo shegay in waxkasta ay si habsami le u socdaan uuna Imtixaku Jawi wanaagsan u ku Bilaabmay.

no images were found


gudoomiyaha Boodhka Jaamacda Bariga africa Cabdirashiid Xaji Samatar ayaa Isna Madashaasi ka Hadlay Isagoo Mahad naq usoo jeediyey Maamulaha Macadka al Furqaan ee Magalada Buuhoodle oo xaruntiisa ku martigeliyey imtixaanka jaamacadda si ku meel gaadha.

Dhinaca kale ardayda saaka u fariistay imtixaanka Jaamacada Bariga faraceeda magaalada Buuhoodlee ayaa wajiyadooda laga dareemayay faraxad iyo iyaga oo Dhamantood soo dhaweyey Imtixaankaasi.

Jaamacada Bariga Africa Faraceeda Magaalada Buuhoodle ayaa waxay noqonaysaa Jaamacadii ugu horeysay ee laga hirgaliyo deeganka Buuhoodle, waxaana si wayn uso dhaweeyay dadwaynaha ku dhaqan Magalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn.

Hoos Ka Daawo Video Imtixaanki Simistarka ahaa ee Jamacada Bariga Afrika Faraceed magaalada Buuhoodle

C/risaaq Maxamed Cumar
Halgan.net

Leave a comment

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online