Amiirka Jabhada Al-Nusra oo ka hadlay dagaalka ka dhex socda kooxaha kacdoonka dalka Suuriya(Dhageyso)
January 7, 2014 - Written by EditorSyria:-Waxaa goordhow lagu faafiyey Mareegaha taageersan kooxada Ururka jabahada Al-Nusra ee uu amiirka u yahay Abu Maxamed Al-Jowlaani waxaana uu ka hadlay dagaalada ka dhex socda kooxaha kacdoonka ka wada dalka Suuriya
Abu Maxamed jowlaani ayaa ka digay dagaalka fitanta ah ee ka dhexsocda kooxaha Islaamiyiinta ah kaas oo ay ku daateen dhiig badan oo waxba galabsan waxaana ku dhintay hogaamiyaal muhiim ah
Abu Maxamed jowlaani ayaa sheegay in kooxda Dowlada Ciraaq iyo Shaam ay xireen amiirkii Jabhada Nusra ee deegaanka Riqa ka dib markii ay sheegeen in uu ridoobay waxaana uu sheegay in xaalkiisa loo badinayo in la dilay .
Amiika Jabahada Nusra ayaa ugu baaqay dhamaan kooxaha kacdoonka in ay alle ka baqaan ayna joojiyaan dagaalka ayna ku kala baxaan kitaabka alle isaga oo aan meesha ka saarin in qof walba ee la dulmiyo in uu is difaaco.
Abu Maxamed Jowlaani ayaa ugu baaqay Muhaajiriinta in ay ka digtoonaadaan dagaalka ay galayaan wuxuuna ugu baaqay digtoonaan .Amiirka Jabhada Al-Nusra Abu Maxamed Jowlaani ayaa sheegay in lajno sharci ah loo saaro dilalka cidii diidana meel looga soo wada jeesto.
Abu Maxamed Al-Jowlaani ayaa sheegay in kooxaha dagaalka uu ka dhex socodo ay yihiin Muslimiin dagaalkoodana uu yahay mid fitno ah wuxuuna ka digay in uu sii socdo.
Amiirka Jabhada Al-Nusra ayaa sheegay in siyaasa xumida kooxda dowlada Ciraaq iyo Shaam ay qeyb weyn ka tahay dagaalka ka dhexqarxay kooxaha Islaamiyiinta ee awal ku mideysnaa la dagaalanka dowlada Bashaar Asad.Abu Maxamed Al-Jowlani ayaa sidoo kale xusay in fitnada ay hurinteeda qeyb ka yihiin kuwa dano gaar ah iyo mid shisheeya wada.
Taageerayaasha Dowlada Ciraaq iyo Shaam ayaa gaaleysiinaya kooxaha kale ee ka soo horjeeda waxaana ay ku tilmaamayaan kooxo gaalo soo dirsatay oo la mid ah saxawaatkii Ciraaq waxaad arinkaas ka dheeh kartaa baraha internetka iyo muntadayaadka
taageersan Dowlada islaamiya Ciraaq iyo Shaam
Hoos ka Dhageyso Kalimadii Codka ahayd ee lagu faafiyey Mareegaha Internetka ee taageersan Jabahada Al.Nusra ee dalka Suuriya
A/Cawale
Halgan.net