Wareegii 2aad ee codbixinta oo dhamaaday laguna kala baxay

January 8, 2014 - Written by Editor

liveGaroowe:-Waxaa haatan ka socda Golaha Wakiilada Puntland doorashada  xilka Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa waxaana goobta ku sugan dhamaan Musharaxiinta  iyo xubnaha baarlamaanka Puntland kuwaas oo dooranay maanta Madaxweynaha Puntland ee 5 sano ee soo socota iyo ku xigeenkiisa.

Inta aysan bilaaban ka hor codaynta ayaa waxaa gudiga doorashada Puntland waxaa ay mid mid ugu yeereen musharaxiinta waxaan mid walba  uu ka hor sheegay  lagana saxixay murashaxiinta Xildhibaanada baarlamaanka Puntland hortood in murashax walba uu balan qaaday in haddii tartanka doorashada Puntland looga guulaysto uu la shaqayn doono qofkii ku guulaysta xilka madaxweynanimada ee Puntland.

Ka dib waxaa gudiga doorashada dowladda Puntland ay Hoolka xarunta baarlamaanka Puntland waxaa ka akhriyeen magacyada xildhibaanada baarlamaanka Puntland si loo hubiyo in dhamaan joogaan Xildhibaanada Puntland oo tiradoodu ay gaarayso ilaa 66 xubnood.

Codynta doorashada Madaxweynaha Puntland ee ka socoto magaalada Garoowe ayaa wareegii koowaad waxaa hogaaminayey Madaxweynihii hore ee Puntland Dr cabdiraxmaan Faroole isagoo wareegii kowaad hellay codkii ugu badnaa Xildhibaanada waxaan ku soo xigay Dr Cabdiweli Maxamed  Cali Gaas iyo Dr Cali xaaji warsame.

Waxaa jira Musharixiin  ku haray wareeg  koowaad oo iyagu aan hellin cod ay ugu gudbaan wareeg labaad waxaan ka mid ah musharaxiinta  kala ah:-

1. Maxamed Cabdinuur Xirsi 6
2. Shire Xaaji Faarax  4
3. Cali Cabdi Awaare 3
4. Gen.Cabdilaahi Siciid Samater 1

Ilaa hadda si sax ah looma saadaalin karo bale haddii Xildhibaanadu ay u codeeyaan siddii wareega 1aad waxaa cad in  Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole uu taageero xooggan ku haysto Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland lagana yaabo in uu mar kale ku  guulayso xilka madaxweyna nimada Puntland balse waxaa la kala ogaanayaa marka wareega labaad uu dhamaado.

Waxaa jira Murashaxiin aan wax cod ah helin waxaa ay kala yihiin una tartamayey xilka madaxweynanimada ee Puntland waxaan ay kala yihiin:-

1. Cali Cabdiqaadir Yuusuf
2. Cabdiwali Maxamuud Guray
3. Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
4.Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yeey

Wareegii kowaad ayaa waxaa codka loo kala hellay sida tan-

1:Cali Xaaji Warsame   12 cod
2:Cabdiwali Maxamed Cali Gaas 13
3:Cali Cabdiqaadir Yuusuf   cod ma helin
4:Cabdiwali Maxamuud Guray cod ma helin
5 Shire Xaaji Faarax  3 cod
6:Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke cod ma helin
7:Gen.Cabdilaahi Siciid Samater  hellay 1 cod
8:Maxamed Cabdinuur Xirsi  6 cod
9:Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yeey cod ma helin
10:Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole 27 cod
11:Cali Cabdi Awaare.  hellay 3 cod

Sidaas darteed waxaa  u soo gudbay  tartanka cod bixinta wareega labaad musharaxiinta kala ah:-

Dr Cabdiraxmaan Faroole  27 cod

Dr Cali Xaaji Warsame  12 cod

Dr Cabdiweli Maxamed Cali gaas 13  cod

Liiska Musharaxiinta u taagan xilka Madaxwayne ku xigeenka Puntland.

1:Axmed Cilmi Cismaan Garaash
2:Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar
3:Xusen Xaashi Xasan
4:Gen.Cabdisamad Cali Shire
5:Cabdilaahi Cali Xirsi Timacade
6:Daahir Xaaji Khaliif Maxamed
7:Cabdirisaaq Maxamed Cumatr
8:Maxamed Xirsi Ducaale
9:Maxamuud Caydiid Dirir
10:Cabdilaahi Daahir Maxamuud

Hoos ka Daawo Doorasha Puntland oo haatan ka socda golaha wakiilada Puntland

M_M Deeq
Halgan.net

Xigasho:Official LIVE straming Page for Puntland Elections 2014
Somali Multimedia Organization

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online