Dr.Gaas oo ku guulaystay Madaxweynanimada Puntland iyo Faroole oo u Hambalyeeyey
January 8, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Garoowe:-Waxaa ku guulaystay xilka madaxweynanimada ee Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo hellay 33 cod halka Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.C/raxmaan Faroole uu helay ilaa 32 cod. Sidaas darteed waxaa ku guulaystay xilka madaxweynanimada Puntland 5 sanno oo soo socota cod hal dheeri ah Dr. Cabdi weli Maxamed Cali Gaas iyadoo ay jirtay hal cod oo khasaaray.
Natiijinta cod bixinta ayaa waxaa ay ahayd mid aad u adag iskuna dhawaa iyadoo Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka Puntland ay codkood ay bixiyeen iyadoo gudiga doorashada Puntland ay qof qof ugu yeerayeen Xildhibaanad golaha wakiilada Puntland. Natiijada cod bixinta ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Puntland Siciid Xasan Shire iyadoo markii lagu dhawaaqay ay Xildhibaanad Baarlamaanka Putland ay qaylo iyo Sacab la is taageen.
Golaha Wakiillada ee Puntland Siciid Xassan Shire ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland ee 5 sano ee soo socota uu ku guulaystay Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isagoo intaa ka dib Microfonka loogu yeeray madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hadal kooban jeediyey ayaa waxaa uu mahad balaaran u jeediyey guddiga Doorashada oo uu sheegay in ay muujiyeen howl karnimo iyo in doorashadu u dhacdo si xalaal ah. Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu mahad balaaran u jeediyey Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo uu sheegay in 5tii sanno uu la soo dhaafay uu hogaaminayo Puntland isagoo sheegay in uu noqon doono oday Puntland ah.
Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa yiri mar kale ayaan u mahad celinayaa dhamaan taageerayaashayda meel walba ay joogaan waxaan balan qaadayaa in aan fuliyo balanqaadyadii aan shacabka Puntland u balan qaaday.
Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in laga guulaystay waxaan uu balan qaaday in uu la shaqayn doono Madaxweynaha cusub ee Puntland uuna raali ka yahay qaabka ay u dhacday doorashada Puntland.
Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu beesha caalamka uga mahadceliyey taageerada ay beesha caalamka gaar ahaan Ergayga Qaramada Midoobay Nicholas Kay iyo midowga Yurub iyo IGAD iyo dalalka dariska la ah Soomaaliya.
Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Musse oo isagan hadal kooban ka jeediyey goobta ayaa waxaa uu u mahad celiyey Madaxweynihii hore Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo uu xusay in 5 sano ka hor uu sidaan oo kale xilka uu ugu wareejiyey Madax weynihii tartanka looga guulaystay ee Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.
Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Musse ayaa ugu baaqay in madaxweynaha cusub ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu fuliyo balanqaadyadii uu sameeyey.
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa waxaa ay galeen wax yar oo nasasho waxaan wax yar ka dib bilaaban doona Tartanka madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay u tartami doonaa ilaa 10 musharax.oo kala ah:-
1.Axmed Cilmi Cismaan Garaash
2. Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Cumar
3.Xusen Xaashi Xasan
4.Gen.Cabdisamad Cali Shire
5.Cabdilaahi Cali Xirsi Timacade
6.Daahir Xaaji Khaliif Maxamed
7.Cabdirisaaq Maxamed Cumatr
8.Maxamed Xirsi Ducaale
9.Maxamuud Caydiid Dirir
10.Cabdilaahi Daahir Maxamuud
M_M Deeq
Halgan.net