Ra’iisul Wasaaraha DFS oo u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. C/weli Gaas

January 8, 2014 - Written by Editor

abdiweliRa’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/weli Sh.Axmed Maxamed ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee la doortay ee dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sh. Axmed ayaa ku tilmaamay doorashadan mid taariikhi ah, una dhacday si hufan oo Dimuqraadi ah, waxa uuna si gaar ah hambalyo ugu diray madaxweynaha cusub Dr. Cabdiweli Gaas, isaga oo alle uga rajeeyey inuu xilkan culus la garab galo.

“Waxaan hambalyo diiran halkan uga dirayaa madaxweynaha cusub ee Puntland Mudane Dr.C/weli Cali Gaas maanta ku guuleys tay doorashadii ka dhacday magaalada Garoowe ee Puntland oo ah saaxiib aan aad u garanayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay inuu ku ammaanayo Cabdiweli Gaas howshii uu horay uga soo qabtay dalka xilligii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa dawladdii KMG aheyd.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku ammaanay madaxweynihii hore Puntland Dr. C/raxmaan Faroole kaalintii uu ku lahaa hirgelinta doorashooyin ka iyo xasiloonida, iyo sida uu u aqbalay natiijada codeynta Baarlamaanka oo ah mid muujinaysa mas’uuliyad. “Waxay aheyd doorasho mugleh oo muujisay biseylka ay Puntland horay ugu talaabsatay dhanka Dimuqraadiyadda, waxayna ku dhacday jawi aad u heer sareeya oo dadka Soomaalidu u riyaaqeen, waxayna muujineysaa in ay dalka ka dhici karaan doorashooyin xor ah” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha oo balan qaaday in xukuumadiisu ay la yeelan doonto xiriir dhow iyo wada shaqeyn madaxweynaha cusub ee Puntland, isla markaana ay si buuxda u garab istaagi doonaan.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli
Afhayeenka Xukuumada
Muqdisho, Somalia

Leave a comment

*

Archives
January 2014
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online