Maamulka KMG ah ee Jubba oo hambalyo u diray Madaxda cusub ee Puntland
January 8, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/Xakiin Cameey ka dib markii galabta la soo afmeeray doorashada Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka KMG ah ee Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa hambalyo diiran u diray madaxda cusub ee Puntland mar uu galabta Shirjaraa,id ku qabatay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/Hoose.
Jen Fartaag ayaa sheegay in doorashada ka dhacay Puntland ay ahayd mid xalaal ah wuxuuna intaas raaciyey in Maamulka KMG ee Juba ay hambalyo u dirayaan shacabka iyo madaxda Puntland.
Madaxweyne ku xigenka Maamulka KMG ee Juba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub ee Puntland iyo ku xigeenkiisa ay hiil iyo huuba la garab istaagi doonaan isaga oo rajo ka muujiyey in ay labada maamul wada shaqeeyaan.
Jen Fartaag ayaa sidoo kale u mahad celiyey Madaxweynihii hore ee Puntland Dr.C/raxmaan Sh Maxamed Faroole waxaana uu sheegay in wakhtigii uu xilka hayey uu wax badan u qabtay Puntland iyo Juba Land.
Dhinaca kale waxaa ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose banaanbax lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Putland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Cabdi Yare
Kismaayo